|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Wareegto Ku Cayimay Wakhtiga Ay Dhacayso Doorashada Isku Sidkan Ee Madaxtooyada Iyo Ururadu!
April 21, 2024 - Written by Editor:Wareegto Madaxweyne 21.04.2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu ku soo-saaray Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 24/042024 Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka; Markaan Helay; Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka; Waxaan Soo-saaray; In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Related posts:Haweenay ka mid ah qurbajooga Gabiley oo deeq lacageed soo Gaadhsiisay Gudida Horumarinta Gabiley oo... Komishanka Doorashooyinka Jsl Oo Shaaciyay In Dib Udhac Ku Yimid Qabsoomida Doorashada Golayaasha ... Dedaalka Dhexdhexaadinta Ah Ee Itoobiya Bilowday Oo Muujinaya Fulinta Shardi Somaliland Ku Xidhay Wa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|