|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Cafis Ufidiyay 548 Maxbuus Oo Ku Kala Xidhan Jeelasha Dalka.
April 9, 2024 - Written by Editor:CAFIS MADAXWEYNE: 09/04/2024. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu munaasibada Ciidul Fidrida awgeed wareegto Madaxweyne uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Cafis Madaxweyne Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Farqaddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Tix-galiyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/125/2024, kuna taariikhaysan 03/04/2024; Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/159/2024, kuna taariikhaysan 02/04/2024; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis u fidiyo, munaasibadda ciidul fidrida awgeed maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 548 (shan Boqol iyo Sideed iyo Afartan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Related posts:DAAWO; Prof A Samatar Oo si Meeqaab Hoose ah Loogu Soo Dhaweeyeen Madaar Caasimada iyo Hogaanka Xisb... DAAWO; Dhaawaca 60 Ruux Oo kamida Dadkii Ku Dhaawacmay Dagaal Laba Beelood Oo la Soo Gaadhsiiyay Cis... Ciidanka Booliska Somaliland oo Gacanta Ku Dhigay Daroogadii Ugu Badnayd iyo Lacagtii Lagu Iibinayay COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|