Maayarka Caasimada Hargaysa Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Caasimada Hargaysa Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay!
April 29, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Maayarka Caasimada Hargaysa iyo Wefti uu hogaaminayay oo ka kala socotay Dawladaha Hoose ee Somaliland iyo Haayada Maaraynta Masiibooyinka kuwaasi oo safar shaqo u Tagay wadanka Kenya ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

waftigan oo kala aha, Maayarka Caasimada Hargeisa, Gudomiyaha Haayada NADFOR, Maayarka degmada Burco, Agaasimaha Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland ALGASL iyo Wakiilka Haayada VNG ayaa Maalmihii u dambeeyay hawlo shaqo ku joogay Dalka Kenya gaar ahaana magaalada Nairobi,

Safarkan shaqo ee Weftiga ayaa daarana, xoojinta horumarinta Adeeg Bixinta Dawladaha Hoose iyo Maaraynta iyo Gargaarka Masiibooyinka isbadalka Cimaladu Keento.

Waxaanu weftigu kulamo gaar ah la yeeshay,Haayadaha iyo Dawladaha Somaliland ka Tageera Horumarka iyo Gargaarka baniaadamanimo, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Saafaradaha, Uk, Findland, Denmark, Sweden, Netherlands UN Agencies oo dhamaantood kulamo fool ka fool ah Wufuuda la Yeelatay,

Waftigu waxa ay sharaxaad dheer u jeediyeen oo ay kala hadlen Horumarka ka socda Somaliland iyo Muhiimada ay leedahay in la abuuro Fursado iyo iskaashi Somaliland iyo Bulshada caalamul, ugu danbayntina waxa kaso baxay kulamada in si degdeg ah loo bilaabo taageerada Horumarka ka socda  Somaliland, isla Marka la bilaabo masharic cusub, waftiga Somaliland aya waxa u la wadaagay Haayadaha iyo dalalka Somaliland Tageera (Somaliland Special arrangements document) kuna dhiiri Galiyay in ay Somaliland si toos ah ula shaqeyaan.

Ugu dambayn waxa xubnaha Waftigu ay u Mahadnaqeen Safaradada Somaliland ee Kenya, Ambassador Mohamed Barwan, D.ampassador Sharmarke Geele iyo first secretary Smail Shirwac oo kaalin Buuxda oo mataalaad Rasmi ka qaatay howlaha shaqo ee waftigu u joogay Nairobi Kenya.

COMMENTS
LINKS