Komishanka Doorashooyinka Jsl Oo War Cusub Kasoo Saaray Udiyaar Garowga Doorashada Madaxtooyada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Komishanka Doorashooyinka Jsl Oo War Cusub Kasoo Saaray Udiyaar Garowga Doorashada Madaxtooyada!
April 29, 2024 - Written by Editor:

Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa dadwaynaha iyo daneeyayaasha ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan doorashooyinka soo socda.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf, oo warbaahinta la hadlay kadib kulan ay xubnaha guddidu la yeesheen Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa bulshada iyo warbaahinta ugu baaqay in la ilaaliyo anshaxa doorashooyinka.

Waxaanu yidhi.”Doorashooyinkii ayaa loo dhaqaaqay, waxaanu rajaynaynaa dhamaan bulahada Somaliland, saxaafada in loo hoggaansamo xeerarka inoo yaala, oo koomiishanka shaqadiisa loo daayo, wixii dhib ah ee jira waxa jira qaabab aanu ula shaqayno daneeyayaasha”

Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada ayaa iyaguna dhankooda sheegay in ay koomiishanka kala shaqaynayaan sidii doorashadu ay si xalaal ah ugu qabsoomi lahayd, iyaga oo koomiishanka ku amaanay shaqada uu hayo oo ay sheegeen in ay tahay mid hufan.

Waxa dhawaan lagu dhawaaqay wakhtiga rasmiga ah ee ay qabsoomayaan doorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo axsaabta siyaasada, waxayna wada qabsoomi doonaan 13, November, 2024.

COMMENTS
LINKS