|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhaam Biyoodka Magaalada Dilla Oo Liqay Wiil Dhalinyaro Ah Iyo Baadi Goobka Loogu Jiro Maydkiisa
April 5, 2024 - Written by Editor:DILA(W,N)-Dhaam biyoodka Magaalada Dilla Oo Liqay Alle Ha,unaxariistee Cabdiraxmaan Mukhtaar Cali Iyo Maydkiisa Oo Ilaa Hada Baadi Goob Loogu Jiro. Waxa ilaa hada lagu gudajiraa hawlgal balaadhan oo lagu baadi goobaayo maydka Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Mukhtaar Cali oo maanta duhurkii ku dhacay dhaamka ku yaala degmada Dilla. Masuliyiin katirsan xukuumada Somaliland oo ay ka mid yihiin maareeyaha hay’adda wadooyinka, agaasimaha hay’adda shaqalaha dawlada, Badhasaabka Gobolka Awdal, Maayirka magaalada Boorama, Madaxda degmada Dilla iyo masuliyiin kale ayaa ku sugan balaygaasi uu ka socdo hawlgalku. Waxana sidoo kale dhaamka ku sugan ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland iyo bad-quusayaaal ku xeeldheer dabaasha oo wado dadaaladii lagu helilahaa maydka marxuumka. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts: Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md. Qaasim Sh. Yuusuf Tubeec Ayaa Xukuumadda... Madaxweynaha Jsl Oo Qasriga Madaxtooyada kulan Casho iyo Afur ah Ugu Sameeyey Culimada Waaweyn Ee Da... “Xukuumada Madaxdii Xisbiyada Af-Duubatay Ee Iyagoon Maxkamadi Xukumin Xabsigii Mandheera U Dirtay, ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|