|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Turkiga Oo Xayiraad Dhanka Fiisaha ah Kusoo Rogay Dalal Ay Soomaaliya Ka Mid Tahay!
April 15, 2024 - Written by Editor:laga billaabo maanta oo April ay tahay 15, 2024, waxay dowladda Türkiye dhaqan gelin doontaa sharci culus oo lagu soo rogay dhoofayaasha transit-ka ku ah garoonka diyaaradaha ee Istanbul Airport, kuwaasi oo ku sii waajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela. Dowladda Türkiye ayaa qaadatay sharciga cusub, si looga hortago muhaajiriinta aan caadiga ahayn ee ku sii qulqulaya dalalkaasi, si ay uga sii gudbaan xuduudaha Maraykanka. Shabakadda wararka ee visaguide.world ayaa qortay inuu dalka Türkiye noqday ubucda waddan transit ahaan looga sii gudbo dalalka kale ee caalamka. Sharcigan cusub waxa uu saamaynayaa dhoofayaasha transit-ka ku sii mara garoonka diyaaradaha Istanbul ee ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela. Muwaadiniinta dalalka Soomaaliya, Yemen, Chad, Cameroon, Mauritania, Burkina Faso, Guinea, Afghanistan, India iyo Nepal ee transit-ka ku sii maraya garoonka diyaaradaha Istanbul Airport ayaa waxaa waajib looga dhigay inay haystaan fiisaha elektoroonikada ee transit-ka garoonka . Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa waxay iyagana xaqiijiyeen inay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Türkiye soo dhamaystirtay dhammaan diyaarinta lama huraanka u ah soo-saarista codsiga elektoroonikada ee fiisaha transit-ka ee garoonka (E-HTV), si loogu dabaqo sharciga fiisaha transit-ka ee garoonka diyaaradaha Istanbul Airport ka dhaqan geli doona bishan April 15-keeda. Tallaabadan ayaa imanaysa ayada oo sii kordhayso tirada muhaajiriinta sharci-darrada ee gaaraya Waqooyiga Amerika, ayada oo Soomaali badan ay ka mid yihiin dadkaas Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|