|
|||||
WAJAALE NEWS
“Cida Tidhi Suuqaa La Rarayay Iyo Cid Gaara Loo Jeeday, Cadeyntii Ayaa Looga Fadhiyaa, Xildhibaanada Xasaanada Huwan Ee La Jidh Dilayna”Maayar Mooge.
April 30, 2024 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Maayarka caasimada Hargaysa cabdikariimaxmed moge oo galabta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka hadlay dhacdadii suuqa xisbiga ee horseeday in xabsiga loo taxaabo mudanayaal katirsan golaha deegaanka Sidoo kale maayar mooge ayaa beeniyay wararka sheegayay in saylada la rarayay isagoo sheegay in talaabo laga qaadi doono cidii tidhi bulshada cashuur habixinina Dhanka kale maayar mooge ayaa sheegay in uu ka xun yahay xadhiga xildhibaanada islamarkaana talaabo laga qaadi doono cida bixisay amarka xadhigooda isagoo ujawaabayna xildhibaano baarlamaanka katirsan oo arinta siyaabo kala duwan uga hadlay. “Cida tidhi suuqa la rarayay iyo cid gaara loo jeeday cadeyntii ayaa looga fadhiyaa, xildhibaanada xasaanada huwan ee la jidh dilay waan cambaareynaya cidii amarkaa bixisayna guddida loo saaray ayaanu ku dhur sugaynaa, kuwa leh cashuur ha bixinina waxaan leeyahay waxaad gasheen dembi dacwadiisa laydinku qaadi doono “Maayar Cabdikariim Axmed Mooge. HALKAN KAGA BOGO MUUQAALKA WARKAN;
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|