|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waa Hadalkii Ugu Doqonniimada Badnaa Ee Wasiir Arrimo Dibadeed Kasoo Yeedha, Dowlada Jabuuti Madax-bannaanida Somaliland..” Gudoomiye Faysal
March 28, 2024 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Guddoomiya Xisbiga Mucaaridka Somaliland Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa cambaareeyay Mawqifka ay dowlada Jabuuti kaga soo horjeedsatay Heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya. Guddoomiyaha ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X doqoniimo ku tilmaamay hadal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf kaga soo horjeestay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya. “Waa hadalkii ugu doqoniimada badnaa ee wasiir arrimo dibadeed kasoo yeedha, dowlada Jabuuti madaxbannaanida Somaliland meel ka xun Soomaaliya ayay ka taagantahay ilaa markii Somaliland ay madaxbannaanideeda lasoo noqotay” ayuu yidhi Guddomiye Waraabe. Dhan kale xukuumadda Somaliland ayaan iyadu wali ka hadlin hadalkan ka soo yeedhay dawladda Jabuuti.
Related posts:DAAWO; Muuqaaladii Ugu Xiisaha Badnaa Ee Madashii Xuska 18may Oo Kulmisay Badi Haldoorka Somaliland ... Xukuumada Somaliland Oo Shaaciyay Tirada Dadka 24sacadood Ee Udanbeeyay Laga Helay Xanuunka Coronav... “Waxa Ayaan Daro Ah In Maanta Xasan Shahar Yidhaa Sheekha Ayaan Laba Bog U Iibinay, Xataa Maayarkii ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|