Kulanka Wasaarada Qorshaynta Iyo Daneeyayaasha Horumarinta Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulanka Wasaarada Qorshaynta Iyo Daneeyayaasha Horumarinta Somaliland
March 13, 2024 - Written by Editor:

Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta oo ku hawlan dardar gelinta horumarinta qaranka ayaa kulamo is-daba-joog ah si maalinle ah ula yeelata daneeyayaasha horumarinta Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud, agaasime waaxeedyada iyo lataliyeyaasha wasaaradda ayaa maata (13.3.2024) xafiiskiisa ku qaabilay wafti sare oo ka socday Wasaaradda Arimaha Dibada ee Denmark iyo Hayadda Horumarinta Caalamiga ah ee Denmark (DANIDA).

Waxay labada dhinac ka wada hadleen mashaariicda horumarineed dalka Denmark ka taageero Somaliland, iyo sidii loogu salayn lahaa mudnaanta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu lafo guray siidii looga wada shaqayn lahaa mashaariic lagu wajaho isbadelka cilimada, tooghaynta abaaraha iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya Somailand iyo Denmark. Waxaa kale oo ay wasaaraddu todobaadkan kulamo la yeelatay Hayada Qaramadda Midoobay u qaabilsan Daryeelka Caruurta (UNICEF), World Vision iyo Concern World Wide.

COMMENTS
LINKS