|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddida Farsamo Ee Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya Oo Kulamo La Qaatay Madaxda Xisbiyada Mucaaridka Jsl
March 18, 2024 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Guddida Farsamo ee Somaliland u qaabilsan heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Ethiopia, ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay madaxda xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID. kulamada guddidu la qaadatay hoggaamiyayaasha Axsaabta mucaaridka ayey ujeeddadoodu ahayd isxogwaraysi iyo talo urursi la xidhiidha isfahamka dhex maray Somaliland iyo Ethiopia oo ay guddidani ku hawllan tahay hufiddiisa.
Kulamada ay guddidu maanta la yeelatay hoggaanka sare ee xisbiyada WADDANI iyo UCID, ayaa lagu ibo furay kulan ay la qaateen madaxda xisbiga WADDANI, waxana ay guddidu ka war bixiyeen kulamo goosgoos ah oo ay muddooyinkii dambe la qaadanayeen haldoorka bulshada, kuwaas oo diiradda lagu saarayey sidii qaybaha kala duwan ee bulshadu talo iyo tusaale ugu yeelan lahaayeen hirgelinta heshiiska muhiimka ah ee Somaliland iyo Etihiopia, waxana ay madaxda xisbigu bogaadiyeen dedaaladda guddidu gadhwadeenka ka tahay, iyago soo gudbiyey aragtiyo iyo talooyin la xidhiidha heshiiska.
Dhinaca kale, guddida farsamo waxa ay kulan la qaateen Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxana ay uga warbixiyeen hawlaha ay guddi ahaan gacanta ku hayaan iyo hirgelinta hawlaha ay u xilsaaran yihiin, isaga oo guddoomiyaha xisbiguna guddida u gudbiyey talooyin muhiim u ah heshiiska Somaliland iyo Ethiopia.
Related posts:Dadweynaha Reer Gabiley Oo Ka Biyo Diidey Habdhaqanka Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka iyo Xubn... ”Mar Hadaanu Sidii Faqashtii Muuse Hablaha Inaga Qaadayn, Wuxuu Qaadanayo Ha Qaato”Eng Faysal Cali. DAAWO; Madaxwayne Muuse Biixi Oo fariimo Isbarkan Udiray Itoobiya Iyo Maamulka Muqdisho, “Ma Nihin D... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|