|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddida Farsamo Ee Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya Oo Kulamo la Qaatay Dalladaha SONSAF Iyo SONYO
March 23, 2024 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Guddidii farsamo ee madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland u igmaday heshiiskii dhawaan dhex maray dawladaha Somaliland iyo Ethiopia, ayaa maanta kulamo la qaatay dalladda dhallinyarada somaliland ee SONYO iyo jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF. Kulankan ayey guddidu madaxda dalladaha SONYO iyo SONSAF uga warbixiyeen hawlaha loo igmaday, waxana ay ka dhegaysteen talooyin la xidhiidha hawsha guddidu gacanta ku hayso. Sidoo kale, waxa kulanka ku sugnaa xubno aqoonyahanka dalka kamid ah oo talooyin iyo waayo aragnimo la xidhiidha hawlaha xog ururinta ah ee guddidu waddo ku saabsan. Related posts:Daawo:Wasiir Saleebaan Xaglatoosiye Oo Sheegay In Somaliland Heshiis La Soo Gashay Shirkad Ka Mid ah... DAAWO;-Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari Oo Madaxwayne Biixi Ku Eedeeyay In Aanu Doorasho Dalka Qabsoonta... Madaxwayne Geele Oo Cayimay Wakhtiga Uu Ka Dagayo Talada Dalka Iyo Xaalada Siyaasadeed Ee Itoobiya. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|