|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Jsl Oo Gacanta Kusoo Dhigay Gacan Ku Dhiig Lihii Waday Gaadhigii Dawlada Hoose Ee Hooyada Umusha Ah Hargaysa Ku Jiidhay.
March 12, 2024 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Ciidanka booliska Somaliland oo qoraal gordhawayd ku baahiyay boga ay ku leeyihiin xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen eedaysanihii waday gaadhiga dawlada hoose ee maanta sida badheedhka ah xaafada bada cas ee magaalada hargaysa ku jiidhay hooyada umusha ahayd taasi oo ku geeriyootay halkii uu ku jiidhay. #Warbixin:- Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu bulshada u caddaynayaa inuu gacanta ku hayo eedaysane Axmed Ibraahim Muxumed 40jir ah oo saaka ku jiidhay degmada Gacmo-dheere ee Magaalada Hargaysa Hooyo umul ah , Eedaysanaha ayaa kamid ahaa darawallada gaaddiidka ee Dawladda Hoose Hargaysa. Ciidamada Boolisku waxay markiiba ka hawlgaleen oo ay gacanta kusoo dhigay Edeysaneaha iyo gaadhiigaba waxaanay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska. waxaanan sida ugu dhakhsaha badan loo horgayn doonaa sharciga Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu murugada la qabsanayaa ehelkii marxuumadaasi ka geeriyootay , waxaanan alle uga baryaynaa inuu naxarisitii janno haka waraabiyo. انا لله وانا اليه راجعون Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL. Related posts:DAAWO: Wasiirka Warfaafinta Oo Hadhimo Sharafeed Kulmisay Haldoorka Somaliland Ku qaabilay Prof. Axm... Wasaaradda Deeganka Oo Beenisay In Ay Si Hoose Ganacsto Carbeed Ogolaanshiiyo U Siisay Dhoofinta Shi... DAAWO;-Siyaasi Cabdilaahi Dheere Oo Ka Hadlay Khilaaf Beeshiisa Dhexdeeda Ah Oo Taagan Caleemo Saar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|