|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid Oo Kulankoogii Labaad Ku Yeeshay Magaalada Hargaysa Iyo Arimaha Ay ka Wada Hadleen!
February 22, 2024 - Written by Editor:Hargeysa (W,N)- Xisbiyada KULMIYE iyo UCID ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta yeeshay kulankii labaad muddo toddobaad ah. Kulankan oo ahaa qado ka qabsoontay huteelka Baraar ee caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay labada Guddoomiye ee xisbiyada KULMIYE iyo UCID – Md. Maxamed Kaahin Axmed, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay wehelinayeen xubnaha hoggaanka labada xisbi iyo siyaasiyiin kale. Kulanka waxa lagu sii amba-qaaday wadahadalkii labada xisbi u furmay shirkoodii hore ee qabsoomay 18kii bishan February 2024, waxaana loo ballamay shirar kale oo wada-xaajoodka lagu sii wado.
Related posts:DAAWO;-Maamulka Dugsiyada Nuuradiin Oo Shaaciyay Ardayda Kaalmaha Hore Ka Galay Imtixaanka Shahaadig... Dameer Sedex Qof Ku Cunay Magaalada Wajaale Iyo Ciidanka Boolis Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Dhacdadan... Shirkada Soo Daabacday Buuga Uu Qoray Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo War Kasoo Saartay Buuga Mayal Oo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|