Wasiirka Qorshaynta jsl Oo ku sugan Dalka Kenya Iyo Nuxurka Kulamo Uu la Qaatay Haayadaha Somaliland Ka Taageera Horumarka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Qorshaynta jsl Oo ku sugan Dalka Kenya Iyo Nuxurka Kulamo Uu la Qaatay Haayadaha Somaliland Ka Taageera Horumarka!
February 2, 2024 - Written by Editor:

NAYROOBI(W,N)-Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada   Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa kulamo kala duwan kula qaatay magaalada Nayroobi, deeq bixiyayaasha Soomaaliland kala shaqeeya arrimaha horumarka, iyo kuwo cusub oo dhawaan kusoo biiri doona maalgelinta horumarka Soomaaliland.

Weftiga ayay kulamadaasi ugu soo dhamaadeen guul iyo is-afgarad ku saabsan horumarka Somaliland, gaar ahaana mudnaanta Qorshaha  Horumarinta Qaranka oo ugu horreeyaan

  1. Kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo yaraynta saboolnimadda oo ay ugu horreeyaan maalgelinta horumarinta xoolaha, beeraha, kalluunka iyo ganacsiga la xidhiidha.
  2. Horumarinta khayraadka biyaha.
  3. Maalgelinta kaabayaasha oo ay ka mid yihiin tamarta cusboonàaata iyo wadooyinka.
  4. Tooghaynta isbedelka cimilada iyo cagaarinta deegaanka

Waftiga ayaa sii wada hawlaha shaqo ee ay u joogaan wadanka Kenya

COMMENTS
LINKS