Somaliland Oo Soo Bandhigtay Go’aan Ay Ku Fulinayso Heshiiskii Badda Ee Ay Itoobiya La Gashay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Oo Soo Bandhigtay Go’aan Ay Ku Fulinayso Heshiiskii Badda Ee Ay Itoobiya La Gashay!
February 20, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Ciisa Kayd Maxamed, ayaa xaqiijiyey inay Somaliland ka go’an tahay hirgelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxeexatay bishii January ee sannadkan.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay EBC World , Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiskan weyn uu waafaqsan yahay dhammaan shuruucda iyo mabaadi’da caalamiga ah.

Janaayo 1, 2024 Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, ayaa Addis Ababa ku kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo la doonayo in lagu dardargeliyo is-dhexgalka gobolka iyadoo la kobcinayo horumarka labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Kayd waxa uu daboolka ka qaaday inay diyaariyeen guddi hagaya fulinta dhammaan qodobbada heshiiska taariikhiga ah, kaas oo la filayo inay ka dhabeeyaan danaha labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa caddeeyay in heshiiska is-afgaradka ah ee ay Itoobiya la saxiixdeen uusan ahayn mid cidna lagu dhibaateynayo balse ay tahay in si wadajir ah loo horumariyo iyadoo loo eegayo habka guuleysiga.

Wasiirka oo ka hadlaya sheegashada Soomaaliya ee ah in heshiiska is-afgaradku yahay mid xad-gudub ku ah qaranimadeeda, waxa uu wasiirku sheegay in Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga tan iyo 1991-kii, isaga oo intaas ku daray in ay dawladeeda sii haysanayso muddo soddon sannadood ah.

COMMENTS
LINKS