|
|||||
WAJAALE NEWS
Safiirka Somaliland Ufadhiya Jabuuti Oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Itoobiya.
February 12, 2024 - Written by Editor:JABUUTI(W,N)-Kulan saacado qaatay ayaa maanta dhex maray Ambassadorka Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyada Djibouti. Ambassador Berhanu Tsegaye Abera Iyo Ambsadorka Somaliland u jooga dalka Jabuuti mudane Abdifataax Siciid Axmed. Kulankani oo ka qabsoomay safaarada Itoobiya ee dalka Jabuuti waxa casuumadeeda lahaa safiirka Itoobiya u jooga Jabuuti. Kulankani ma jiraan wax war ah oo ay labda dhan ka soo saareen, hase ahaatee warar ay saxaafadu heshay ayaa sheegaaya in kulankaasi xooga lagu saaray xaga amniga iyo Ganacsiga, isu socodka iyo arimaha hawda. Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ayaa ahaa mid soo jireen ah taasi oo xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya ayaa marnaba waxyeelo ahi uga iman Itoobiya sidoo kalena Somaliland ma jiraan wax dhib ah oo uga yimaada xaga Itoobiya taasi oo u baahan in mar walba la joogteeyo. Related posts:Haayada Xuquuqal Insaanka Oo Ka Hadashay Dad Rayid Ah Oo Ciidamada Maraykanku Ku Laayeen Gudaha Soma... War Deg Deg Ah: Manchester City Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Premier League Iyo Reds Oo Niyadjabtay ... Maamulka Somaliya Oo Joojisay Duulimaadyadii Ay Fly Dubai Iyo Air Arabiya Ku Iman Lahaayeen Hargaysa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|