Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Culimo Awdiin! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Culimo Awdiin!
February 19, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta munaasibad hadhimo sharafeed ah hoygiisa ugu sameeyey Culimo waaweyn oo dalka timid iyo arday ka aflaxday Culuumta diiniga ah kuwaas oo ka aflaxay dawrada kutubta Umuhaatu Sita’ oo ay soo qaban-qaabiyeen Bar-kulanka Ibnu Khalduun kana socotay Masaajidka ibraahim Dheere.

Murashaxa waxaa qado sharafta kala qeybgalay, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, hoggaanka Xisbiga, munayaal ka tirsan Golaha Wakiilada iyo marti sharaf kale.

Culimadii dhigaysay Kutubta aqoonta ah ee Diiniha ah ayaa Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI uga mahadceliyey soo dhaweynta Iyo martisoorka uu u fidiyey.

Culimada ayaa waxaa horkacayay sheikh Almis Imaam Yaxye Xaaji Ibraahim oo isagu kamid ahaa culimadii casharada ka bixinaysay masaajidka ibraahim dheere ahna Imaamka Masjidka.

COMMENTS
LINKS