Maamulka Dawladda Hoose Gabiley Oo kormeer Kusoo Maray Dhismaha Wadada Dugsigga Sarre Ee Qalax. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Dawladda Hoose Gabiley Oo kormeer Kusoo Maray Dhismaha Wadada Dugsigga Sarre Ee Qalax.
February 26, 2024 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Wadadan oo muhiim u ah Bulshadda Xaafadaha Wadajir Iyo Laagbarako gaar ahaan Ardayda Dugsigga Sare ee Qalax ayay Dawladda Hoose Gabiley ka hirgalisay magaaladda Gabiley.

Wadadan oo Cabirkeedu dhan yahay 2Km ayaa fududayn doonta Isku socodka Dadka Iyo Gaadiidka.

Maayarka magaalada gabiley oo ay weheliyaan maayarka kuxigeenka, xoghayaha dawlada hoose iyo xildhibaano katirsan golaha deegaanka degmada gabiley ayaa ka hadlay muhiimada ay uleedahay dhismaha wadada isku xidha magaalada gabiley iyo dugsiga sare ee Qalax.

COMMENTS
LINKS