|
|||||
WAJAALE NEWS
Haayada Shaqaalaha Dawlada Oo Imtixaan Ka Qaaday 483 Macalin Oo Si Meel Gaadh Ah Uga Shaqaynayay Dugsiyada Gobolka Awdal!
February 7, 2024 - Written by Editor:BOORAMA(W,N)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa maanta imtixaan daahfuran ka qaaday Macalimiinta ku meel-gaadhka ah ee ka hawl-gala Dugsiyada dawliga ah ee gobolka Awdal.
Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Dr ahmed Buuxane, Gudoomiye Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khalid jama qodax agaasimeyaasha guud ee wasaradda waxbarashada iyo Hay’adda Shaqaalaha ayaa goob joog ka ayaa imtixaankani Hay’adda ka qaadaysay 483 Macalin oo si ku meelgaadh ah uga shaqaynayay dugsiyada dawliga ah ee gobolka Awdal. Wasiirka iyo gudoomiyaha oo hadalka iska daba maray ayaa hambalyo u diray macalimiinta maanta tartamaya sidoo kale Wasiirka ayaa Xusay faa’idada uu leeyahay imtixaankani lagu Kala saarayo macalimiinta iyo in ay tahay hanaanka keliya ee ugu cadaaladsan in imtixaankani lagu Kala saaro sida ay u kala sareeyaana loogo tix gelinayo mustaqbalka in loo Kala hor shaqaalaysiiyo, gudoomiyaha iyo wasiirka ayaa sidoo kale u mahadnaqay Gudigii farsamo ee imtixaankani gacanta ku haysay oo ay hogaaminayeen labada agaasime Guud ee Hay’adda Shaqaalaha iyo Wasaradda Waxbarashada.
Related posts:Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Sax Maygaag Ee Gobolka So... DAAWO;Wasiirada Arrimaha Dibadda Iyo Warshadaha Somaliland Oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ... DAAWO;-Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Xaalada Kasoo Cusboonaatay Gobolka Awdal Iyo Arimo Kale Oo Xasaasi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|