Guurtida Iyo Wakiilada jsl Oo Heshiis Rasmi Ah Ka Gaadhay Qodobadii Ay Isku Khilaafsanaayeen Ee Xeerka Isasaarka Doorashooyinka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guurtida Iyo Wakiilada jsl Oo Heshiis Rasmi Ah Ka Gaadhay Qodobadii Ay Isku Khilaafsanaayeen Ee Xeerka Isasaarka Doorashooyinka!
February 7, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Guddiyadii labada gole Baarlamaan  u saareen Qodobadii ay isku khilaafsanaayeen Ee xeerka isasaarka doorashooyinka jsl  ayaa heshiis rasmi ka gaadhay iyadoo isla qaatay in qodobo loo daayo sidii Guurtidu ku ansixisay, qodobona loo daayo sidii golaha wakiiladu ku ansixiyeen .

Todobaadka soo socda ayaa heshiiskan la hor geyn doona Golaha Guurtida iyo Golaha wakiilada  si ay xildhibaanadu u ansixiyaan .

Isla todobaadka danbe ayaa la filayaa in Golaha wakiiladu xeerkan u gudbiyo Madaxweyne Muuse Biixi .

Waxaana ay arintani u muuqataa in uu sidaas ku dhamaadey khilaafkii ka dhex jiray labada gole Baarlamaan ee xeerka Doorashooyinka ku saabsanaa.

COMMENTS
LINKS