Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Oo Kulan La Qaatay Madaxdhaqameedka Iyo Cuqaasha Gobolka Gabiley! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Oo Kulan La Qaatay Madaxdhaqameedka Iyo Cuqaasha Gobolka Gabiley!
February 23, 2024 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Gudoomiye kuxigeenka koowad ee xisbiga xaakimka kulmiye Cabdicasiis maxamed samale oo maanta safar ku tagay magaalada gabiley ayaa shacabka reer gabiley kala shaaheeyay goobaha ay kulmaan.

Sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka xisbiga kulmiye Samaale ayaa kulan Alaabadu uxidhan yihiin la qaatay madaxdhaqameedka iyo cuqaasha gobolka gabiley kaasi oo ka qabsoomay guriga martida ee magaalada gabiley.

Kulankan ayaa waxaa dhanka kale goobjoog ka ahaa maayarka magaalada gabiley iyo suldaanka guud ee gobolka gabiley kaasi oo ujeedadiisa ahayd isxogwaraysi.

 

COMMENTS
LINKS