Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Mawqifka Xisbigiisa Ee Heshiiska Itoobiya Iyo Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Ka Hadlay Mawqifka Xisbigiisa Ee Heshiiska Itoobiya Iyo Somaliland.
February 12, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay mawqifka xisbiga ucid ee heshiiska ay dhawaan kala sexeexdeen Somaliland iyo itoobiya.

Sidoo kale Gudoomiyaha xisbiga ucid ayaa ka hadlay dulaanka dhanka ah Somaliland ee kazoo yeedhaya maamulka somaliya isagoo caalamka ugu baaqay in maamulka fashilmay ee muqdisho lagu celiyo ku meel gaadh.

Dhanka kale gudoomiye faysal cali waraabe ayaa golaha guurtida iyo wakiilada ugu baaqay in ay xeerka isasaarka doorashooyinka ka dayaan qodobka danaha siyaasadeed laga leeyahay ee 20% kaasi oo dabar ku ah badi siyaasiyiinta reer Somaliland ee hanta leh.

COMMENTS
LINKS