Gudoomiyaha Gudida Diwaangalinta Ururada Iyo Asxaabta Qaranka Oo Go,aano Uu Soo Saaray, Isla Isagii Ka Racfaan Qaatay Iyo Fashilka Maamul Ee Dulhoganaya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Gudida Diwaangalinta Ururada Iyo Asxaabta Qaranka Oo Go,aano Uu Soo Saaray, Isla Isagii Ka Racfaan Qaatay Iyo Fashilka Maamul Ee Dulhoganaya!
February 15, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudomiyaha Guddida Diwaan Galinta Ururada iyo Asxaabta Qaranka Jsl Siciid Siraadle ayaa  Go’aan Uu Dhawaan Isagu Soo Saaray, ka Rafcaan qaatay isla Isagii Go,aanka soo saarayna uu go’aankiisii rafcaanle ka noqday. Kaasi oo uu Amar ku farayay in hogaanka ururka Shacabka Ee SPP Uu qabsado shirkii golaha dhexe si ay udoortaan gudoomiyaha Ururka oo uu hore ubaneeyay Xaglatoosiye oo ku biiray huwanta Somaliland kazoo horjeeda ee ka dagaalamaysay gobolka sool.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gudida Diwaangalinta Ururada Iyo Asxaabta qaranka Mr Siraadle ayaa maxkamada uga racfaan qaatay Go,aankii uu isagu soo saaray taasi oo fajiciso iyo Amakaag ku noqotay Bulshada Somaliland,

Hadaba Talaabada uu qaaday Gudoomiye Siciid siraadle ayaa ah Arin ugub  ah oo ku cusub dunida in qof qaranku u Igmaday Xil Umadeed Uu Go’,aanadiisa maamul ka rafcaan qaato, oo uu awoodii uu qaranka u hayey iyo shaambadii qaranku lahaa u adeegsado dano gaar ah ilaa ay gaadhay inuu go’aankiisa isla isagii soo saaray ka rafcaan qaato,

Dhanka kale Maxkamada Sare Ee Jsl ayaa ka diiday racfaanka uu Gudoomiye Siciid Siraadle isagu iska qaatay kaasi oo ay ucuskaday diidmadeeda in aanay jirin dhinac ama cid dacwada ka dhaxayso oo loo garnaqo.

HALKAN AKHRI QORAALADA ISBURINAYA EE KASOO BAXAY GUDIDA DIWAANGALINTA URURADA IYO FADEEXADAHA KU GADAAMAN.

COMMENTS
LINKS