|
|||||
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Beeraha JSL Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Gobolka Gabiley
February 21, 2024 - Written by Editor:Gabiley (W.N) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Prof. Aadan Cabdillaahi Sheekh Muuse iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa Maanta kormeer shaqo ku tagay Gobolka Gabiley. Kormeerkan oo qayb ka ah kormeer uu Agaasimaha guud ku marayo Gobollada dalka isla-markaana lagu diyaarinayo qorshaha horumarinta ee sannadka 2024, ayaa waxa Agaasime Aadan ku wehelinayey Agaasime-waaxeedyada Wax soo-saarka Cabdirisaaq Sheekh Muxumed Gaboobe, Qorshaynta Cabdiqani Gallaydh, Hanti-dhowraha Wasaaradda Mr. Yuusuf iyo xubno kale.
Agaasimaha guud ee wasaaradda, ayaa Xarunta Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Gabiley kulan kula yeeshay Shaqaalaha Wasaaradda ee Gobolkaasi. Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gabiley Cabdiraxmaan Axmed Cabdillaahi (Jeex), ayaa Agaasimaha iyo madaxda kale xog-warran ka siiyey hawl-qabadka Xafiiska Wasaaradda Beeraha ee Gabiley, Kor u qaadista wax soo-saarka Beeraha, Mashaariicda Gobolka ka socda iyo qorsheyaasha sannadka cusub. Ugu dambayn, Agaasimaha guud, ayaa Isku-duwaha iyo Hawl-wadeennada Xafiiska Wasaaradda ee Gabiley uga Mahad-naqay dedaalkooda shaqo iyo kaalinta ay ugu jiraan Wasaaradda Beeraha. Wuxuu kula dardaarmay inay dedaalka halkaa ka sii wadaan, korna u qaadaan wacyi-gelinta Beeralayda, maaddaama oo Wasaaraddu xil iska saarayso sidii dalku u gaadhi lahaa isku filaansho dhanka cuntada ah. Agaasimaha guud iyo Weftigiisa, ayaa hore kormeer kan la mid ah ugu soo maray Gobollada Saaxil, Togdheer, Daad-madheedh, Saraar iyo Sanaag. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|