Xukuumada Somaliland Xabsiga Utaxaabtay Wariye Cabdirashiid Cabdiwahaab Iyo Ururka Solja Oo War Kasoo Saartay Xadhigiisa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Xabsiga Utaxaabtay Wariye Cabdirashiid Cabdiwahaab Iyo Ururka Solja Oo War Kasoo Saartay Xadhigiisa!
January 14, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xukuumada Somaliland ayaa maanta xabsiga utaxaabtay Wariye Cabdirashiid Cabdiwahaab oo ka hawlgala Tvga Universal kana mid ah hogaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja.

Majro wax war ah oo laamaha amaanku kazoo saareen xadhiga wariyahan.

Dhanka kale Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa cambaareeyay xadhiga ay xukuumadu kula kacday wariye cabdirashiid cabdiwahaab iyo mulkiilaha Tvga MMTV Oo isagu mudo sagaal cisho ah ku xidhan magaalada Hargaysa iyagoo ka hadlayana waxay yidhaahdeen;

“Ururka SOLJA waxa uu aad uga Xunyahay Xadhiga Wariye Cabdirashiid Cabdiwahaab oo ka mid ah Hogaanka Sare ee Ururka SOLJA oo maanta lagu xidhay Magaalada Hargeysa, Waxaanu Ururku ku baaqayaa si deg-deg ah Xorriyadiisa loogu soo celiyo isaga Wariye Maxamed Cabdi Sheekh maalintii 9aad Xidhan.

COMMENTS
LINKS