|
|||||
WAJAALE NEWS
XOG: Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Soo Jeedinta Golaha Guurtida Iyo Nuqulada Uu Ansixyay Golaha Wakiiladu Ee labada Xeer Ee Doorashooyinka?
January 16, 2024 - Written by Editor:Maxay ku kala duwan yihiin soo jeedinta Golaha Guurtida iyo nuqulada uu ansixyay Golaha Wakiiladu ee labada xeer ee doorashooyinka khuseeya? Xog kooban: Wax ka bedelka uu Golaha Guurtidu soo jeediyay iyo wax ka bedelka uu sameeyey Golaha Wakiiladu nuxurka guud waa isku mid oo labaduba waxa ay jideeyeen:
Balse waxa jiray arimo dhawr ah oo ay ku kala duwan yihiin. Kuwaas oo ah: Xeerka Doorashooyinka, Xeer Lr. 91/2023 aan marka hore eegno:
Waxa jira arimo yaryar oo farsamo oo aanay ku kala taganayn labada Gole ama aan nuxur ahaan wax badan ahayn. Tusaale ahaan Golaha Wakiiladu waxa uu ansixiyay in aan murashaxiinta Golayaasha lagu xidhin ogolaansho qabiil iyo in murashaxu ay tahay waajib inuu ka tirsanaado xisbiga uu ka tartamayo ugu yaraan sadex sanadood. Guurtidu way ka saartay. Waxa sidoo kale jira arimo sixid ah oo Guurtidu samaysay ama aan nuxurka Wakiilada waxba ka bedelin. Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasada, Xeer Lr. 14 aan eegno: Xeer Lr, 14, wax wayn kuma kala duwana labada gole, marka laga reebo qodobka 27aad oo ka hadlayaa liisaanka xisbiyada iyo sida uu u dhacayo oo ay erayo kala duwan isticmaaleen iyada oo Guurtidu ka saartay faqradan soo socota: “Haddii mudo xileedka madaxwaynaha iyo ku xigeenka loo kordhiyo si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangellinta Codbixiyayaasha iyada oo aan xisbiyadu dhamaysan labada kaltan doorasho ee ku cad faqradda 4aad ee qodobkan, mudada liisanka xisbinimo ee Xisbiyaduna si toos ah ( automatic) ayey u la kordhaysaa mudo kordhinta loo sameeyey Madax-weynaha iyo ku xigeenkiisa, ilaa labada kaltan doorasho Madaxwayne ay dhamaysanayaan xisbiyada liisanka haystaa.” Nuxurka intiisa kale waa iskaga mid Xeer Lr. 14. W/Q Garyaqaan Guuleed Dafac Related posts:Prof, Cabdisalaan Yaasiin Oo Xukuumada Ugu Baaqay Inay Xoojiyo Nidaamka Diblamaasiyadeed Ee Dunida Gudiyadii Labada Garab Ee Golaha Wakiilada Oo Ku Guul Daraystay Xal U Helida Khilaafkooda, Arrintiin... Daawo:Gudoomiye Muuse Biixi Oo Soo Bandhigay Hogaamintiisa Mustaqbalka Xili Haraatidii Xisbigiisa Ay... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|