|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Dhigiisa Dalka Itoobiya Iyo Arimaha Ay Wada Hadleen
January 6, 2024 - Written by Editor:Addis Ababa (W,N)- Dowladaha Somaliland iyo Ethiopia, ayaa isla af-gartay inay si wada-jir ah uga shaqeeyaan Qorsheyaal horumarineed ee labada waddan, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ay soo saartay Wasaaradda Qorsheynta Ethiopia. Wasiirka Qorsheynta Somaliland Axmed Maxamed Diiriye iyo Dhiggiisa Ethiopia Dr Fitsum Asefa, ayaa kulan ay Magaalada Addis Ababa ku yeesheen kaga wada-hadlay Qorsheyaal horumarineed oo labada waddan ka wada-shaqaynayaan. Warka ka soo baxay Dowladda Ethiopia, ayaa loo adeegsaday Jamhuuriyadda Somaliland oo ah markii u horeysay ee Dowladda Ethiopia u adeegsato kaddib heshiiskii is-afgarad ee labada waddan dhexmaray 1-dii bishan January. “Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku heshiiyey inay iska kaashadaan qorshayaasha horumarineed iyo danaha kala duwan ee labada dal.” Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Itoobiya Dr Fitsum Asefa waxa uu qaabilay, wada-hadalna la yeeshay Dr Axmed Maxamed Diiriye,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka oo maanta lagu baahiyey Barta X ee Wasaaradda Qorsheynta Ethiopia. Related posts:Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jsl Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Diiday Ansixinta Wasiirnimada Cali Xoor Xo... Dawlad Deegaanka Soomaalida oo Kala Badh iyo Dheeraad Ka Helaya Khayraadka Dabiiciga Ah Ee Itoobiya “27 Sanadood Siyaasiyiinta Muqdisho Waxay Sharxi Kari La’Yihiin Waxay Uga Jeedaan MIDNIMADA Soomaali... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|