|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Dhigiisa Dalka Itoobiya Iyo Arimaha Ay Wada Hadleen
January 6, 2024 - Written by Editor:Addis Ababa (W,N)- Dowladaha Somaliland iyo Ethiopia, ayaa isla af-gartay inay si wada-jir ah uga shaqeeyaan Qorsheyaal horumarineed ee labada waddan, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ay soo saartay Wasaaradda Qorsheynta Ethiopia. Wasiirka Qorsheynta Somaliland Axmed Maxamed Diiriye iyo Dhiggiisa Ethiopia Dr Fitsum Asefa, ayaa kulan ay Magaalada Addis Ababa ku yeesheen kaga wada-hadlay Qorsheyaal horumarineed oo labada waddan ka wada-shaqaynayaan. Warka ka soo baxay Dowladda Ethiopia, ayaa loo adeegsaday Jamhuuriyadda Somaliland oo ah markii u horeysay ee Dowladda Ethiopia u adeegsato kaddib heshiiskii is-afgarad ee labada waddan dhexmaray 1-dii bishan January. “Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku heshiiyey inay iska kaashadaan qorshayaasha horumarineed iyo danaha kala duwan ee labada dal.” Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Itoobiya Dr Fitsum Asefa waxa uu qaabilay, wada-hadalna la yeeshay Dr Axmed Maxamed Diiriye,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka oo maanta lagu baahiyey Barta X ee Wasaaradda Qorsheynta Ethiopia. Related posts:Siyaasi Axmed Sandoon Oo Ka Hadlay Xaalada Dalka Iyo Fariimo Isbarkan Oo Uu Udiray Madaxwayne Biixi ... DAAWO; Masuuliyiinta Shirkada Laydhka Ee National Oo Soo Bandhigay Khasaare Loo Gaystay Xadhka Layd... Prof, Buubaa oo Ka hadley Kulankii uu Madaxweyne Muuse Biixi La Yeeshay Iyo Arimihii Ay Ka Wada hadl... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|