|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Shir Kaga Qaybgalay Magaalada Jidah Ee Dalka Sucuudiga!
January 10, 2024 - Written by Editor:JIDAH(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga kaga qayb galay shirka mu’tamarka khidmadda Xajka oo sanad kasta ay Qabato Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee dalka Sucuudiga isla markaana ay kasoo qayb galaan Daneeyayaasha Arrimaha Xajka ee Waddamada Islaamka ah . Waxana Wasiirku uu halkaasi kula kulmay Wasiirka Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Dalka Sucuudiga Dr Tawfiiq Binu Fawsaan Al-rabiica . Dhinaca Kale waxa Wasiirku kulan la qaatay Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada iyadoona ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan xajka iyo Cumrada.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|