|
|||||
WAJAALE NEWS
Wariye Khadar Cabdi Cabdilaahi Oo Maanta Lagu Xidhay Magaalada Wajaale.
January 15, 2024 - Written by Editor:WAJAALE(W,N)-Ciidamada Booliska Ee magaalada wajaale ayaa maanta xabsiga Utaxaabay Wariye Khadar Cabdi Cabdilaahi oo katirsan Suxufiyiinta Reer Somaliland, kana hawlgala Tvga Badda Cas 24Tv. Oo uu uga soo warami jiray magaalada wajaale. Majiro Wax War oo ay laamaha Amaanka Ee Degmada Magaalada Wajaale kasoo Saareen Xadhiga Suxufi Khadar DHaylo. Dhanka kale wararka laga helayo xadhiga wariye khaddar ayaa sheegaya in xadhigiisa ay keentay dacwad ay kazoo gudbiyeen maamulka Gobolka Salel,, taasi oo aan la shaacin waxay tahay. Xukuumada Somaliland ayaa maalmahan xabsiyada dalka utaxaabay wariyayaal tiro badan kuwaasi oo aan xadhigooda loo marin sifo sharci ah iyo qawaaniinta uu dhigayo xeerka saxaafada Somaliland. Related posts:Maamulaha Kastamka Madaarka Hargaysa Oo ka Warbixiyay Waxyaabaha U Qabsoomay Mudadii Uu Xilka Hay... Wasaarada Cadaaladda Jsl Oo Nootaayooyinka Uga Digtay Inay Sameeyaan Qoraallo Lagula Kala Wareegayo ... Masuuliyiinta Dawlada Hoose Hargaysa Iyo Ciidamada Booliska Oo Ka Hadlay 1 Qof Oo Ku Dhaawacmay Hawl... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|