Wariye Khadar Cabdi Cabdilaahi Oo Maanta Lagu Xidhay Magaalada Wajaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wariye Khadar Cabdi Cabdilaahi Oo Maanta Lagu Xidhay Magaalada Wajaale.
January 15, 2024 - Written by Editor:

WAJAALE(W,N)-Ciidamada Booliska Ee magaalada wajaale ayaa maanta xabsiga Utaxaabay Wariye Khadar Cabdi Cabdilaahi oo katirsan Suxufiyiinta Reer Somaliland, kana hawlgala Tvga Badda Cas 24Tv. Oo uu uga soo warami jiray magaalada wajaale.

Majiro Wax War oo ay laamaha Amaanka Ee Degmada Magaalada Wajaale kasoo Saareen Xadhiga Suxufi Khadar DHaylo.

Dhanka kale wararka laga helayo xadhiga wariye khaddar ayaa sheegaya in xadhigiisa ay keentay dacwad ay kazoo gudbiyeen maamulka Gobolka Salel,, taasi oo aan la shaacin waxay tahay.

Xukuumada Somaliland ayaa maalmahan xabsiyada dalka utaxaabay wariyayaal tiro badan kuwaasi oo aan xadhigooda loo marin sifo sharci ah iyo qawaaniinta uu dhigayo xeerka saxaafada Somaliland.

COMMENTS
LINKS