|
|||||
WAJAALE NEWS
War-murtiyeed Kasoo Baxay Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland!
January 18, 2024 - Written by Editor:Hargeysa)-Fadhigii 123aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo lagu lafo-guray arrimaha mandaqadda Geeska Afrika iyo ta Somaliland iyo Soomaaliya ayaa laga soo saaray war-murtiyeedkan oo u dhignaa sidan:- Sida la-wada ogsoon yahay waxay Jamhuuriyadda Somaliland ahayd Maxmiyad Boqortooyadii Ingiriiska. 1884 illaa 1960 oo ah muddo 76 sanno ah, waxayna ahayd waddankii 17aad ee Qaaradda Afrika ee qaatay Xorriyadiisa 26 June, 1960-kii. Somaliland markii ay xornimada qaadatay waxa ay ahayd waddan leh xuduudo caalamiya, Dawlad, Dastuur iyo Baarlamaan oo loo aqoonsan yahay sidii waddamada kale ee xornimada qaatay. Doonistii shantii Soomaaliyeed ayuu ka dhashay midowgii aan sharciga ku fadhiyin ee Somaliland iyo Soomaaliya July 01, 1960. Somaliland isla markiiba waxay ka biyo-diidday hannaankii midawga oo baal maray xeerkii midowga (Act of Union) labada dhinac in la isu-keenno, iyadoo xeerkii Somaliland-na la tuuray, kii Soomaaliyana loo codeeyey. Sidaa-awgeed waxa aqlabiyadda reer Somaliland diideen aftidii loo qaaday dastuurka 1961. Mudadii ka dambaysay dadka reer Somaliland waxa loo gaystay tacaddi badan iyo xasuuq baahsan. 1988 waxa Somaliland lagu dilay 50,000 (konton kun ) oo rayid ah, waxaana la dumiyey wixii ay dhisteen miyi iyo magaaloba, waxaa qaxay hal miyan oo noqday Qaxoonti, kaas oo ay ka markhaati kacday War-bixintii Qaramada Midoobay ee sannadkii 2001-dii, Madaxda Soomaaliyana ay qireen. Burburkii ka bacdi Shacabka Reer Somaliland oo ay hoggaaminayaan Madaxda Dhaqanka, wax-garadka, siyaasiyiinta iyo culimadu waxa ay go’aansadeen inay la soo noqdaan xornimadoodii 18 May 1991, markaasi ayaa ugu dambaysay in Soomaaliya ay ka taliso Dhulka Somaliland. Sida bulshada caalamku ka warqabto Somaliland qayb kamay ahayn dhammaan dawladihii ay dhisteen Soomaaliya 33 sanno ee u dambeeyey iyo dastuurka ay samaysteen oo ku koobnaa shantooda maamul goboleed iyo dawladooda. Gooni-isu-taaga Somaliland ee shirweynihii Burco 1991 waxay mar labaad shacabka Somaliland ku ayideen aftidii dadweyne ee loogu codeeyey dastuurka 97% 31 May 2001, La-soo-noqoshada madax-banaanida Somaliland waxa ay waafaqsan-tahay Axdiga Midowga Afrika 1963, kaasi oo Afrika isku raacday in aan xuduudihii gumaysigu ka tagay aan waxba laga badalin. Sidoo kale waxa arrintaas ka marag kacay Guddidii Xaqiiqo-raadinta ee Midawga Afrika u soo diray Somaliland 2005 ee uu hoggaaminayey Guddoomiye Ku-xigeenka AU. Guddida xaqiiqo raadisku waxa ay qireen in Somaliland waafaqsan tahay Axdigii ilaalinta xuduudihii gumaysiga ee Afrika, soona jeediyay in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland. Somaliland waxay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa waddan madax-bannaan sida ku cad Axdiga caalamiga ah ee Montevideo Convention ee 1933, iyada oo Somaliland waafaqsan tahay Afarta qodob ee dhismaha dawladnimada ee ku xusan axdiga. Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu soo saaray qodob badan:-
Dhammaad
Related posts:Waxka Baro Taariikhda Gabadhii Ugu Horreysay Ee Muslim Ah Ee Baratay Samaynta Nukliyeerka Iyo Cidii ... Xukuumada Somaliland Oo Gacanta Dawlada Kusoo Celisay Xaruntii Kaydka Kaluunka Berbera iyo sobobta. Kulan Xasaasiya Oo Dhexmaray Madaxdhaqameedka Gobolka Gabiley Iyo Gudoomiyaha Xusbiga Wadani+R,Gabi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|