|
|||||
WAJAALE NEWS
Wakiilka Dalka Ingiriiska UFadhiya Jsl Oo Booqasho Ku Tagtay Xarunta Wasaarada Warfaafinta Somaliland.
January 16, 2024 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxa Xafiiska dawlada Ingiriiska Caasimada Hargaysa iyo Masuuliyin kale oo booqasho Tagay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL.
Weftigan waxa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud, iyo la taliyaha Wasiirka ee Wasaaradda Warfaafinta. Weftigan iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafintu waxay kawada hadleen arrimo badan oo dhinaca Siyaasada ah iyo kor u qaadista xidhiidhka Wanaagsan ee ka dhaxeeya Dawlada Somaliland iyo Dawlada England. Isxog waraysi kadib Weftiga ayaa waxa ay soo kormeereen goobo muhiima oo ka tirsan Wasaaradda sida Radio Hargaysa, Telefishanka Qaranka, iyo qolka kaydka.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|