Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Kulan La Qaatay Dhalinyarada Iyo Waxgaradka Degmada Axmed Dhagax. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Kulan La Qaatay Dhalinyarada Iyo Waxgaradka Degmada Axmed Dhagax.
January 26, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo musharraxa madaxweyne kuxigeen Mudane Maxamed Cali Aw cabdi, ayaa maanta Gesh Hotel kulan balaadhan kula qaatay qaybaha bulshada degmada Axmed Dhagax oo ay ka mid yihiin cuqaasha, waxgarad iyo dhallinyarada aqoon yahanka ah.

Musharraxa oo ah weheliyaan guddoomiye kuxigeen Axmed Cumar X Cabdillaahi Xamarje, Xoghayaha guud Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha Isgaadhsiinta Mudane Axmed Kooraan, xoghayaha dhallinyarada iyo ciyaaraha Mudane Yuusuf Tadhase, afhayeenka garabka dhallinyarada Mudane Cabdiraxmaan Ismaaciil iyo masuuliyiin kale ayaa si qoto dheer ay dadweynaha isaga waraysteen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii looga bixi lahaa murannada iyo marxaladaha cakiran ee dhanka siyaasadda.

Musharraxa ayaa si mug leh u dhegaystay aragtiyaha cuqaasha iyo aqoonyahanka ee ku aaddan baahida dalku u qabo isbedel hoggaamineed si looga baxo hoos u dhaca ku yimid Somaliland ee dhanka siyaasadda, dhaqaalaha iyo meeqaamkii dalka ee gobolka iyo guud ahaan caalamka, waxaanay musharraxa ku bogaadiyeen dulqaadka uu kaga gudbay khilaafaadka joogtada ah ee hoggaanka xukumadda Kulmiye abuurayo.

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamada Jimcaha ee is xog waraysiga musharraxa iyo dadweynaha oo muddooyinkii u dambeeyay ka socday degmooyinka caasimadda.

COMMENTS
LINKS