|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Yuusuf Cilmi Ayaanle Oo Ku Geeriyooday Magaalada Adis Ababa!
January 15, 2024 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 15/01/2024. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka Somaliland, qoyskii eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Cilmi Ayaanle oo ku geeriyooday Dalka Ethiopia maanta oo ay taariikhdu tahay 15/01/2024. Waxaanu Madaxweynuhu Marxuumka ku sifeeyey muwaadin muddo dheer u soo shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisa, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka. Madaxweynuhu Waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqu ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Related posts:Gudida Arimaha Dibada Ee Golaha Wakiilada Oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Faratoon Iyo Su,aalo La Waydi... Daawo:Sheekh Umal Oo Si Adag Uga Hadlay Urur Diimeedka Assadicuuna Bilxaq Bedkana Soo Dhigay Xaqiiqa... Dawladda Maraykanka Oo Sheegtay Inay Tixgelin Gaar Ah Siinayso Waraaqaha Dhalashada Iyo Guurka Ee Ha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|