Hal Qof Ayaa Ku Dhaawacmay Dhisme Ku soo Dumay Xaafada Isha Boorama Ee Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hal Qof Ayaa Ku Dhaawacmay Dhisme Ku soo Dumay Xaafada Isha Boorama Ee Magaalada Hargaysa.
January 13, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ciidanka Dabdemiska magaalada Hargeysa ayaa maanta ka hawlgalay una gurmaday Nin uu ku soo dumay dhisme uu ka shaqaynayay.

Ciidamada Dabdemiska ayaa si degdeg ah goobtaa u gaadhay, una fidiyay gargaar degdeg ah, waxaana dhawacii gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

Ninka ayaa dhaawac xoogani ka soo gaadhay Lugta bidix, waxaa kale uu qabay dhaawacyo kale oo fudud.

Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ka wacyigelinayaa khataraha ay keeni karaan dhismayaashu marka laga shaqaynayo, waana in la dabaqaa nidaamka badbadaada.

Hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/Somtel.

Allaa Mahad leh

COMMENTS
LINKS