Guri Ku Gubtay Magaalada Wajaale Qaybta DDS Oo Sobobay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guri Ku Gubtay Magaalada Wajaale Qaybta DDS Oo Sobobay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Ah
January 20, 2024 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Hal Qof ayaa maanta ku dhintay, halka mid kalena ku dhaawacmay dab qabsaday hoygii ay ku noolaayeen oo ku yaala Qabalayga Afraad ee Wajaale gaar ayaan daanta Itoobiya.

Ciidanka Dab-demiska Wajaale oo gurmad u fidiyay ayaa damiyay dabka oo guriga wada haystay, Gurigaa oo ahaa Buul . Ciidamada ayaa si degdega goobtaa u gaadhay, waxaana ay damiyeen dabkii, Isla markaana ka soo saareen maydka iyo dhaawaca wiilka yar iyadoo la geeyay cisbitaalka.

Wiilka dhintay ayaa magaciisu ahaa Xuseen Khaalid Yuusuf, halka kaa dhaawacana uu ahaa Maxamed Khaalid Yuusuf

. Intaa kadib ciidamada ayaa baadhista iyo maydkii ku wareejiyay maamulka degmada.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan tacsi uga dirayaa qoyskii uu ka baxay wiilkaasi, waxaanu ilaahay uga baryaynaa in beddel kheyr leh siiyo. Wiilka kale ee dhaawaca ahna Alle haw booga dhayo.

Hawlgalkan waxaa si wadajira iskaga kaashaday ciidanka Dabdemiska Wajaale Ee Somaliland iyo Dabdemiska Wajaale ee Itoobiya.

Dhanka kale ciidamadu waxay marwalba bulshada uga digayaan halista aafada dabku leeyahay, waxaana aanu ku wacyigelinaynaa waalidiinta inay caruurta ka warhayaan kana ilaaliyaan wax kasta oo sababi kara dab,sidoo kalena aan dusha guryaha lagaga xidhin. Sidoo kalena Caruurta oo Hurda aan lagaga tagin Guryaha, lagana waantoobo, fariimaha wacyigelinta ciidankana had iyo goor loo dhaga nuglaado.

Allah Mahad leh

COMMENTS
LINKS