|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Madaarka Caasimada Hargaysa
January 28, 2024 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta sidiiran loogu soo dhaweeyay madaarka caasimada hargaysa safar uu mudo ugu maqnaa dalka ingiriiska kadib isagoo maanta kusoo guryo noqday dalka.
Soo dhawaynta Gudoomiyaha Xisbiga waddani ayaa waxaa horkacayay musharaxa madaxwayne ee xisbiga iyo hogaanka xisbiga halkaasi oo ay kusoo dhaweeyay boqolaal kamid ah taageerayaasha xisbiga waddani. Dhanka kale Gudoomiyaha xisbiga waddani ayaa ka warbixiyay safarkii uu ku maqnaa isagoo eedo culus ujeediyay xukuumada iyo haayada sirdoonka oo mudooyinkii udanbeeyay xadhig iyo cago juglay kula kacay suxufiyiin kamid ah warbaahinta Somaliland iyo dad shacab ahba. Gudoomiye xirsi ayaa sidoo kale ka hadlay heshiiska xukuumada madaxwayne biixi la gashay dalka itoobiya oo ilaa hada aanu golayaasha qaranka iyo asxaabta dalka usoo bandhigin. Related posts:DAAWO: Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Warbixiyay Halka Ay Marayso Dacwadii U Dhaxaysay Faysal... Dab Xoogan oo Ka Kacay Suuq Ku Yaala Magaalada Berbera iyo Lix Meheradood oo Mar Keliya Ku Shuf-beel... DAAWO WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO OO SOCDAAL SHAQO KU JOOGA MAGAALADA GABILEY COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|