HARGAYSA(W,N)-Shir gudoonka Golaha wakiilladda JSL ayaa maanta ka jawaabay warqad maalintii shalay Madaxweynuhu u gudbiyey Golaha Guurtida JSL., Taasi oo ahayd in uu golaha guurtida kusoo celiyay xeerarkii ay ansixiyeen golaha wakiilada iyo guurtiduba balse muran uu ka dhashay kadib markii golaha wakiilada ay meel mariyeen xeerkii hore ee ay iyagu soo curiyeen islamarkaana waxka badalkii guurtida ay iskaga tageen.