Faah Faahin Dheeraada Oo Kasoo Baxaysa Dagaal Saaka Ka Dhacay Duleedka Magaalada Laascanood Iyo Khasaaraha Uu Sobobay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faah Faahin Dheeraada Oo Kasoo Baxaysa Dagaal Saaka Ka Dhacay Duleedka Magaalada Laascanood Iyo Khasaaraha Uu Sobobay!
January 10, 2024 - Written by Editor:

LAASCANOOD(W,N)-Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo saaka ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan maleeshiyaadka Khaatuma.

Dagaalka aoo ahaa mid xoogan ayaa qarxay saaka aroortii hore, kadib markii ay isku dhaceen askar ka wada tirsan ciidamada dadka Khaatuma.

Ilo wareedyo lagul kalsoon yahay ayaa sheegay in ciidamada uu soo kala dhex-galay muran xoogan, kaas oo ka dhashay qori Zuug ah oo ay hore uga qabsadeen ciidanka qaranka Somaliland, waxaana kadib sidaas ku qarxay iska hor imaadka oo socday muddo ku dhow saacad.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku soo waabariisteen dagaalka iyo xabadda oo socoto, iyaga oo intaas ku daray in ciidamada ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, taas oo cabsi ku beertay shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse lama oga inta uu gaadhsiisan yahay.

Dhanka kale Garaad jaamac garaad cali (Gala Dagaalka) ayaa ka hadlay dagaalkan iyo waxa sobobay.

 

COMMENTS
LINKS