|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya Oo Sheegtay in Waddamada Darisku Sii Ogaayeen Heshiiska Somaliland
January 15, 2024 - Written by Editor:Addis Ababa (W,N)- La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia, Redwan Hussien, ayaa sheegay inay dalalka Gobolka Geeska Afrika sii ogaayeen heshiiska is-afgarad ee dhawaan dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia. Heshiiska is-afgarad ee dhexmaray labada waddan, ayaa u oggolaanaya Dowladda Ethiopia inay xeebaha Somaliland ka hesho saldhig ay ciidamadeeda baddu ka hawl-galaan, kaas oo muddo 50 sanno ah laga kiraynayo, halka Somaliland beddelkeeda helay inay Xukuumadda Addis Ababa dowlad madax-banaan u aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland. Sida ay qortay jariiradda Addis Standard, Redwan Hussein waxa uu sheegay in kasta oo dowladdiisu rabitaanka dhul-badeed ay isticmaasho shaacisay bishii October ee Sannadkii hore, haddana ay dowlad ahaan qaadeen tallaabo arrintan kagala hadlayaan dalalka Gobolka. Waxa uu sheegay inay Dowladda Ethiopia tiraba laba jeer Wufuud u kala direen waddamada deriska, gaar ahaan kuwa Bariga Afrika isla markaana lagu war-geliyey heshiiska marka laga yimaaddo Arrimo khusuusi ah oo ay ka mid yihiin Xilliga madaxweyne Muuse Biixi u socdaalayo Ethiopia iyo haddii Saamiga shirkadda Ethiopian Airlines iyo Aqoonsiga Somaliland ka mid noqon doonaan Qodobbada Heshiiska. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|