|
|||||
WAJAALE NEWS
“Aqoonsiga Ay Dawladda Itoobiya Siinayso Somaliland Waa Guul Taariikhi Ah, Oo Usoo Hoyan Doonta Dadka Reer Somaliland”Ganacsade Ismaaciil Axmed.
January 2, 2024 - Written by Editor:Aqoonsiga ay dawladda Itoobiya siinayso Somaliland waa guul taariikhi ah oo u soo hoyan doonta dadka reer Somaliland. Waxyaabaha ay Somaliland iyo Itoobiya isla garteen waa kuwo muhiimad gaar ah u leh Somaliland. Waxa ay horseedi doonaan faa’iidooyin dhaqaale, qaar maalgashi iyo korodh ganacsi oo ka dhalan doona isticmaalka Itoobiya ee dekedda Berbera. Dheefta intaas le’eg waxa la dhaafsanayaa 20km oo Itoobiya saldhig ciidan badeed ka samaysato meel u dhaxaysa Lughaya iyo Berbera. Tani waxay Itoobiya u suuragelinaysaa in ciidamadeeda baddu, ee awal saldhiggoodu ahaa Jabbuuti, ay helaan fadhiisin ay halkaa ku beddeshaan. Lacagta kirada ee laga qaadi jiray oo aad u badnayd ayaa keentay in ay Itoobiya iska bixin kari weydo saldhigga Jabbuuti. Tan ayaa markii dambe keentay in ay dawladdu xaraashto maraakiibtii ciidamada badda ee Itoobiya. In Itoobiya dib u dhisto ciidan bad waxa ay ku qaadan kartaa muddo aad u dheer oo 10-20 sano ah, maadaama Itoobiya hadda aanay haysan dhaqaale buuran. Sidoo kale, heshiiskan saldhigga kuma jirto in la sameeyo deked cusub oo kontaynarrada ah taas oo tartan la geli karta ta Berbera. Sababta oo ah, heshiiska DP World ayaa xaddidaya in deked kale oo la mid ah laga dhiso aaggaas. Waddamada dunida saddexaad, dhaqaale ahaan, ma awoodaan inay sameystaan maraakiib dagaal oo u dhiganta kuwa quwadaha waaweyn ee dunida. Sidaa darteed, cabsida laga qabo ciidamo badeed oo ku sugan gobolladeennu ma aha wax xaqiiqo ku dhisan Haddii laga tegi waayo, xaaladda amni ee ka jirta Badda Cas ayaa keenaysa in ay Itoobiya u baahato saldhig ciidan si ay u ilaashato markiibteeda ganacsi ee xaruntoodu tahay Jabbuuti. Se ma aha awood suuragelinaysa in ay waddamo ku weeraraan ama dhibaato kale geystaan. Waxa Qoray; Aas Aasaha World Remite Ismaaciil Axmed. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|