Aas Aasaha World Remit Oo Ka Hadlay Weeraro Lagu Soo Qaaday Ganacsigiisa, Fashiliyayna Culimo Iyo Ganacsato Reer Somaliya Ah Oo Loo Adeegsanayo Arimo Lidku Ah Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aas Aasaha World Remit Oo Ka Hadlay Weeraro Lagu Soo Qaaday Ganacsigiisa, Fashiliyayna Culimo Iyo Ganacsato Reer Somaliya Ah Oo Loo Adeegsanayo Arimo Lidku Ah Somaliland.
January 6, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Aas Aasaha xawaalada WorldRemit Ismaaciil Axmed ayaa ka hadlay weeraro iyo dacaayado ka dhan ah worldRemit oo baraha bulshada lagu faafinayay tan iyo intii uu ka hadlay heshiskii Somaliland iyo Itoobiya taasi oo ay daba ka wadaan ganacsatokasoo jeeda somaliya oo olole ugu jira midnimada Somaliland lagu badhtilmaameedsanayo ganacsata reer Somaliland oo uu sheegay in la doonayo in lagu cabsi galiyo si loogu qasbo ficilo lidku ah daganaanshaha Somaliland.

Ismaaciil axmed ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee Facebookga kaasi oo udhignaa Sidan;

 

“Sida Aad ku Aragteen baraha bulshada, waxa jira kulamo ay yeesheen siyaasiyiin waaweyn iyo ganacsato ka soo jeedda Soomaaliya kuwaas oo lagu go’aamiyay in la ballaadhiyo ololoha ka dhanka ah Somaliland iyo ganacsiga ay leeyihiin dadka reer Somaliland. Tan ayaa ujeeddadeedu tahay in lagu handado ganacsatada Somaliland si ay uga qaybqaataan faafinta wararka been abuurka ah ee la doonayo dadka reer Somaliland in la isaga horkeeno. Waxa ku fillaan waayey dhallinyaradii lacagaha la siinayey ee lagu shaqeysanayey.

Shirkadaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah WorldRemit, taas oo ay kooxdani ku baaqeen in la joojiyo isticmaalkeeda gebi-ahaanba. Tan iyo shalay, boggayga Facebook waxaa weerar ku hayay koox abaabulan oo hawshan aad mooddo in loo soo kiraystay. Waxaan doonayaa in la ogaado in lacagaha shirkaddayadu u dirto Soomaaliya ay yihiin wax ka yar 0.3%. Xitaa haddii dhammaan ganacsigeygu uu ku tiirsanaan lahaa Soomaaliya, marnaba maan beddeleen aragtiyadeyda iyo waxa aan u arko in ay yihiin danaha ummadda reer Somaliland.

Waa wax laga xumaado in siyaasiyiin iyo ganacsato ku andacoonaya in ay doonayaan midnimo Soomaaliyeed in ay ku kacaan falalka caynkan ah. Ganacsiga Soomaalidu waxa uu jiray waqtiyadii ugu adkaa ee ay socdeen dagaalladu. Waxan maanta soocdaa se waa arrin ugub ah oo reebi doonta cawaaqib xumo.

COMMENTS
LINKS