|
|||||
WAJAALE NEWS
𝙓𝙄𝙄𝙎𝘼𝘿𝘼𝙃𝘼 𝙎𝙄𝙔𝘼𝘼𝙎𝘼𝘿𝙀𝙀𝘿 𝙀𝙀 𝙂𝙊𝘽𝙊𝙇𝙆𝘼 𝙂𝙀𝙀𝙎𝙆𝘼 𝘼𝙁𝙍𝙄𝘾𝘼 𝙊𝙊 𝘾𝙄𝙍𝙆𝘼 𝙄𝙎𝙆𝙐 𝙎𝙃𝘼𝙍𝙀𝙀𝙍𝘼𝙔!
January 8, 2024 - Written by Editor:(Abiy Ahmed ma ka soo degi doonaa Hargeisa isaga oo Jawaab diblomaasiyadeed u diraya xasan Sheekh oo Asmara ka degay?) Is-Fahamkii siyaasadeed ee dhex maray madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali ayaa gobolka Geeska Africa ka dhaliyey xiisad siyaasadeed oo weyn . Maamulka Muqdisho ayaa qaylo-dheer ku dhuftay oo aduunka ugu baaqay in Ethiopia ku soo xad-gudubtay xudaadaha soomaaliya, inkasta oo aduunku og yahay in ay Muqdisho iyo Hargeisa kala madax banaanaayeen 32 kii sanadood ee ugu dambeeyay oo arinkaasi yahay sheegasho afeed haddana weedho diblomaasiyadeed oo laab qaboojin ah ayey ka heleen dawlado badan iyo urur goboleedyo. Maanta waxa Erateria ka degay madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud oo u muuqda in uu rabo in lala cadaadiyo Ethiopia, halka madaxweynaha jamhuuriyada Djibouti Isma’el Omer Ghuelle isaga oo metelaya urur goboleedka IGAD soo saaray warqad nuxurkeedu yahay in Ethiopia iyo Somalia isku soo dhawaadaan oo xiisada la dejiyo. Erateria iyo Ethiopia ayaanu cilaaqaadkoogu wanaagsanayn ilaa intii Abiy Ahmed la heshiiyey Tigray , arimahani ayaa loo sibir saarayaa in waxyaabihii kacdoonka dagaalku ka dhashayba ay sabab u ahayd bixintii Badhame iyo heshiiskii Asmara iyo Addis-ababa oo dhiig badani ku dhex daatay dagaalkooga. Isku soo wada xoori Ethiopia ayaa la filayaa in ay jawaab diblomaasiyadeed kaga jawaabto safarka Asmara ee Hassan Sheikh Mohamud oo noqon karta in Abiy Ahmed Ali ka soo dego Magaalada Hargeisa ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland. Qalinki; Mohamed Abdi Jama Dhimbiil. Related posts:DAAWO;-Aas Qaran Oo Magaalada Gabiley Loogu Sameeyay Marxuum Macalin Cabdiraxmaan Axmed Faahiye! Siyaasi Bookh Oo Farta Ku Fiiqay Cida Dabada Ka Wada Shirka Ceel-bardaale Iyo Nuxurka Xujo Uu Hordhi... Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL Oo Kala Wareegay Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Dhismaha ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|