Wefti Uu Hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 2-Aad Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Baarlamaanka Wales, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wefti Uu Hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 2-Aad Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Baarlamaanka Wales,
December 14, 2023 - Written by Editor:

LONDON(W,N)-Wefti uu Hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Baarlamaanka Wales, waxaana soo agaasimay La-taliye Sare, Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka.

Weftigii Golaha Wakiilada Somaliland ee uu hogaaminayay Mudane Cali Xaamud oo ay wehelinayeen Xildhibaan Jaamac Aboker Dub oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland. Mudane Cabdikariim Cabdi Aadan, La-taliyaha Sare ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Axmed Xasan Carwo, La-taliyihii hore ee Madaxweynaha Somaliland iyo Prof. Ibraahim Carab Jaamac, Maareeye ku-xigeenkii hore ee Jaaliyadda Somaliland ayaa kulan la qaatay Xildhibaannada Baarlamaanka Wales oo uu wakiil ka yahay Mudane.  John Griffiths, Mudane. Rhun ap Lorwerth iyo Shaqaalahooda Sare ee Baarlamaanka Wales.

Xubnaha weftiga Jaaliyadda Somaliland ee wales, Cabdikariim Cabdi Aadan, Axmed Xasan iyo Ibraahim Carab Jaamac ayaa sheegay in ay ku faraxsannahay kulanka wadajirka ah ee u dhexeeya labadayada baarlamaan ee Somaliland iyo Wales.

Xubnaha Weftiga Jaaliyadda Somaliland waxay sheegeen in aanu ahayn shirkii ugu horeeyay balsee sannad walba la qabto, waxaanan rajaynaynaa in la joogo wakhtigii la horumarin lahaa istiraatijiyad lagu sii wada shaqayn lahaa iyo horumarka dhabta ah ee laga gaadhayo wada shaqaynta u dhexeeya labadayada baarlamaan ee Somaliland iyo Wales.

Isagoo ku hadlayay magaca Wafdiga Mudane. Cali Xaamud, waxa uu yidhi . waan u mahad naqay xildhibaanada Wales, oo mooshin ay ka keeneen baarlamaanka  Waless, shacabka Somaliland   ku hambalyeynaya doorashada 2021 ee labada gole ee dawlada hoose iyo baarlamaanka somaliland.

Mudane. Cali waxa kale oo uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay  Baarlamaanka Wales, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay wada shaqayn dhex marta dawladda Wales iyo Baarlamaanka, Xukuumadda Somaliland iyo Baarlamaanka Somaliland si loo xoojiyo xidhidhka Wales iyo Somaliland.

COMMENTS
LINKS