|
|||||
WAJAALE NEWS
Wefti Ka Socda Dawladda Koonfur Afrika Iyo Xisbul-xaakimka ANC Oo Booqasho ku yimid Somaliland!
December 11, 2023 - Written by Editor:Hargeysa (W.N)- Masuuliyiinta sarsare ee KULMIYE ayaa soo dhaweeyey wefti ballaandhan oo ka socda dawladda Koonfur Afrika iyo xisbul-xaakimka haya talada waddankaasi ee ANC, ayaa booqasho rasmi ah ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland. Weftigan oo uu hoggaaminayo Wasiir-ku-xisbiga Ganacsiga Xukuumadda Koonfur Afrika, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka Guddi-hoosaadka Xidhiidhka Caalamiga ah ee xisbiga talada haya ee ANC Mr. Obed bapela oo ay welinayaan xubno sarsare oo uu ka mid yahay Abner Musaasa oo ah madax xidhiidhka calaamiga ee xisbiga ANC ahna xidhiidhiyaha xisbiyada waddamada ku bahoobay Ururka BRICS.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Faysal Cabdiraxmaan Madar, Guddoomiyaha Gobolka Madroodi-jeex ee KULMIYE Md. Caabdiraxmaan Maxamed Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Qaranka Md. Cabdinaasir Muxumed Buuni, saraakiil kale iyo garabka haweenka xisiga KULMIYE, ayaa madaarka diyaaradaha ee Hargeysa galabta.
Weftigu inta ay ku sugan yihiin Somaliland waxay wadahaddalo yeelan doonaan madaxda xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda Somaliland oo ay ka wadahadli doonaan danaha labada dal iyo labada xisbiba.
Related posts:Qormooyin Taxane Ah Oo Diirada Saari Doona Shaqsiyaadka U Dhashay S/land Ee U Boholyoobay Shaadhka I... Maxamuud Xaashi: Shirka Xisbiga Ee April Miyuu Ka Dhex Tartami Doonaa Mise Ka Hor Ayaa Saaxadda Xisb... Raysal Wasaare Abey Axmed Oo Dawlado Shisheeye Ku Eedeeyay In Ay Ka Danbeeyeen Dilkii fanaan Hachalu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|