Waftigii Madax-dhaqameedka Beelaha Direed Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Jabuuti. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waftigii Madax-dhaqameedka Beelaha Direed Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Jabuuti.
December 6, 2023 - Written by Editor:

JABUUTI(W,N)-Wafti balaadhan oo ka socda madaxdhaqameedka beelaha direed oo mudooyinkii udanbeeyay safar ku marayay dalalka ay degaan beelaha direed ayaa maanta gaadhay magaalo madaxda dalka jabuuti ee Jabuuti halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Sidoo kale Waftigan madaxdhaqameedka beelaha direen oo ay weheliyaan xubno aqoonyahan ahi ayaa waxaa hadhimo sharafeed usameeyay Madaxdhaqameedka beesha Canfar oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Golaha dhaqanka dalka jabuuti iyo masuuliyiin kale.

Waftigan dhaqan ee beelaha direed ayaa socdaalkooga kazoo bilaabay dalka Kenya iyagoo soo maray dalalka Itoobiya, somaliya iyo Somaliland kuwaasi oo ujeedada safarkoogu tahay Qaban qaabada shirwaynaha beelaha direed oo ka dhici doona Somaliland gaar ahaan magaalada burco iyo sidii loo xoojin lahaa midnimada beelaha direed iyo isku xidhnaashahooga kuwaasi oo dalka jabuuti ku sugnaa doono maalmo.

 

COMMENTS
LINKS