|
|||||
WAJAALE NEWS
Wadaadka Siyaasiga Ah Iyo Bulshada Islaamka Jecel.
December 3, 2023 - Written by Editor:Wadaadku waa muwaadin xaq u leh in uu siyaasada ka qaybqaato, waxa uu xaq u leeyahay in uu madax noqdo oo uu taliyo. Intaa waynu isla garanay. Wadaadadu mudooyinkan danbe waa qaybo ama kooxo. 1)Qolo fidinta culuumta diinta, barashada diinta, wacyigalinta umada iyagu ku eg, dalkooda iyo dawaldoodana garab u ah. 2)Qolo dacwada fidinteeda iyo u socodkeeda isu xilsaartay, oo muslimiinta ku soo xidha masaajida, dadka aan muslinka ahayna diinta uugu baaqda, kana fog waxyaalaha muranka iyo madmadawga leh, sida siyaasada, khilaafaadka diimeed, qabyaalada iwlm. 3) Culumo soo jireena oo diinta barta, dadkana bara, dadkuna u noqdaan xagooda, diinta arimaheeda qayb kasta nolosha. 4)Culumo ka tirsan Urur diimeedyo caalamka islaamka ku soo kordhay kuna cusub, oo wata barnaamij ballaadhan oo siyaasadu ka mid tahay, una heelan in ay dalka xukumaan ( iyaga oo tilmaamaya in siyaasadu diinta qayb ka mid ah tahay). Waxase wanaagsanaan lahayd inay si cad oo nabada, siyaasada uuga qaybqaataan, oo qarsoodiga iska dhaafaan. Ururadaasina madax iyo kala danbayn ayay leeyihiin, magacyo ayay leeyihiin. Waxa laga yaabaa in noocyadaa wadaadu ka kooban yihiin aanay bulshada u kala soocnayn, oo wadaadku , wadaad uun u yahay , taasi ayaana XAALADAN INA HAYSATA u baahan caddayn. Jumhuriyada Somaliland waxa meelaha qaar ka soo baxayay baaqyo ay soo saarayeen urur diimeeyadaa siyaasiga ihi, iyaga oo soo bandhigaya Aragtidooda siyaasadeed, haday tahay xuduudaha oo ay dafirsan yihiin, haday tahay mararka qaar oo dagaalo ay taakuleeyaan ( maxaa yeelay Jumhuriyada Somaliland kuma eka Ee waxa ay isku xidhan yhiin ilaa dawladaha jaarka ah), mararna nabad ayay ku dhawaaqaan iyo qiimaha dhiiga muslimiinta , mararka qaarna afka ayay ka xidhaan xaalada adag oo taagan, kolba mawqifkooda siyaasiga ah, iyo sida ay dan moodaan. MAANTA WAYNU ARAGNAA SOMALIDA GUDAHEEDA IYO DALALKA MUSLIMIINTA INTA KU DHIMATAY DAGAALO DIIMEED. siyaasiga ayay dhaqan u tahay in kolba sida uu dan u arko , warka soo saaro. Wadaadka siyaasiga ihina xaq ayuu u leeyahay aragtidiisa siyaasadeed ama aragtida urur siyaasadeedkiisa diimeed , iyo in kolba sida ay dan moodaan ay soo bandhigaan. Haday dawalad goboleed ku baaqayaan, haday somaliwayn ku baaqayaan, haday aragti siyaasadeed oo kale wadaan. Waxase bulshada la gudboon inay ogaadaan, in waxay sheegaanba aanu diin ahayn, e aan BAAAQYADOODU KA MADHNAYN SIYAASAD . Iyaguna ma diidana in ay xukun iyo siyaasad u halgamayaan, xataa haday ku kalifayso in ay qori u qaataan, waaba taa ay qoriga u qaateen deegaamada meelo, ee madaxda doorteen. Sidoo kale waxa, bulsha waynta muslinka ah la gudboon in ay kala garanayso cidda diin badhaxla wadda kuna eg, iyo cidda kursi u halgamaysa, ee wadata barnaamijyo siyaasadeed oo ka ballaadhan jumhuriyada Somaliland. Waxa aan leeyahay Haku baraarugto bulshadu in wadaadada qaar barnaamijyo badan ay wadaan, oo wixii wadaadku yidhaahdaba aanay moodin DIIN ILAAH IYO RASUULKIISII YIDHAAHDEEN. WADAADKA INTA SAN EE TOOSANA AYNU KA QAADANO, WIXII MADMADOW LEH AMA SIYAASADI KA MUUQATANA AYNU ISKA HUBSANO. AYNU WADA ILAASHANO AMNIGAA ALLE INA SIIYAY EE CADAWGA BADANI ISU BAHAYSTAY ISAGA OO KOLBA WAJI SOO GASHANAYA, OO MARARKA QAAR ADEEGSANAYA DAD INAGA MID AH oo qaar badani aanay u jeedin in gacan kale u adeegayaan oo dalkoodii si dhaad la’aana u duminayaan. Waxan cod dheer ku sheegayaa in wax laga xumaada ay tahay in dad dalkan u dhashay oo aan baraarugsanayn, si dadban cid kale oo dalkan cadaw u ihi adeegsanayso, si loo burburiyo dalkooda iyo nabadooda. Waxase la hubaa haddii uu maanta garanwaayo, in uu garan doono maalin aan maanta ahayn , ( markay dhabaqdo xaajadu, sida uu cadawgu rabo) ALLE KAMA YEELE EH. Nabada JSL cid gaara, wadaado gaara, reer gaara , koox gaara, xisbi gaara, qof gaara dani uuguma jirto , e dhammaanteen dan ayaa inoogu jirta. Aynu nabadaa wada ilaashano, wixii inaga qaldana, si nabada aynu ku hagaajisano. ALLE WANAAGA IYO DANTA DADKEENA, DALKEENA, IYO ISLAAMKA HA INA GARANSIIYO. BARAARUGA, BARAARUGA, BARAARUGA, INTA AY GOORI GOOR TAHAY. Allaa mahad leh W/Q: Sh. Maxamad Xaaji Maxamuud Xirsi. Related posts:Maamul Cusub Oo La filayo In Loo Magacaabo Degmada Tog-Wajaale iyo Xubnaha Safka Hore Kaga Jira Oo K... "Faadumo Siciid Isma Naqaano Waligayana Ismaanu Arag Waligayana Maanaan Wada Hadal Markey I Sheegays... DAAWO;-Madaxwaynaha DDS Oo Magaalada Jig Jiga Ka Qaybgalay Bandhiga Ciyaaro Cajiib Iyo Wareejinta Ci... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|