Sheekh Siciid Oo Ganacsatada Dalka Ugu Baaqay In Ay Ilaahay Ka Cabsadaan Oo Ay Bulshada Ukeenaan Cunto Iyo Dawooyin Tayo Leh. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheekh Siciid Oo Ganacsatada Dalka Ugu Baaqay In Ay Ilaahay Ka Cabsadaan Oo Ay Bulshada Ukeenaan Cunto Iyo Dawooyin Tayo Leh.
December 22, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Sheekh Siciid faarax jire oo kamid ah culimada Somaliland ayaa khudbadii jimce ee maanta kaga hadlay dhibaatada caafimaad ee bulshada reer Somaliland ay ku keentay raashinka iyo dawooyinka aan tayada lahayn ee ganacsadu dibada kazoo waarido oo sobobay in ay bulshada kusoo badanayaan xanuuno faro badan oo aan hore ujiri jirin islamarkaana ay boqolaal qof caafimaad ujoogaan dhakhaatiir dalka dibadiisa ah.

Sidoo kale sheikh siciid ayaa baaq culus udiray ganacsatada Somaliland isagoo usoo jeediyay in ay shacabka wax kusoo celiyaan faa,iidada ay ka helaan islamarkaana usameeyay xarumo caafimaad oo ay kaga maarmaan dalalka dibada ee ay utagayaan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS