|
|||||
WAJAALE NEWS
Safiirka Somaliland Ufadhiya Kenya Oo La Kulmay Guddoomiyaha Aqalka Odayaasha Dalka Kenya.
December 5, 2023 - Written by Editor:NARIOBI(W,N)-Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Amb. Mohamed A. Mohamud Barwaani iyo madaxda Safaaradda jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Senate ka dalka Kenya Mudane Hon. Amason Kingi oo ay weheliyaan mudanayaal ka tirsan golaha Senate-ka.
Kulanka waxa lagaga wada hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada dimuqraadiyadda, dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo isku socodka dadka. Hore, waxa safiirka Somaliland kulamo midho dhal ah ula qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Kenya Hon. Moses Wetangula, halkaas oo lagu meelmariyay laguna aasaasay Golaha Saaxiibada Somaliland ee Baarlamaanka Kenya ama Somaliland-kenya Parliamentary Caucus. Xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya ee dhinacyada dawladda, baarlamaanada iyo shacabka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn usoo xoogaysanayay.
Related posts:DAAWO; Cali Khaliif Galaydh Oo ka Dagay Garoonka Diyaaradaha Ee magaalada Muqdisho Iyo Ujeedooyinka ... DAAWO;Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Dalka Kusoo Laabtay Kana Hadlay Xaalada Dalka iyo Dhacdooyi... DAAWO-Shirkadaha Jaadka Oo Saaka Xoog Ku Galiyay Gudaha Magaalada Iyo Maayar Muraad Oo Hanjabaad Cul... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|